Meydadka 2 ruux oo rasaas ka muuqato oo laga helay xeebaha Sanaag

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaan ku yaala dhanka xeebaha gobolka Sanaag ayaa sheegaya in lagu arkay meydadka labo ruux oo rasaas ay jirkooda ka muuqato.

Meydadka labadan ruux ayaa abaaro 02:30 habeenimo ee xalay lasoo dhibay xeebaha deegaanka Durduri oo ka tirsan gobolka Sanaag, waxaana jirkooda gaar ahaan oogada sare ka muuqata rasaas.

Labada ruux oo si weyn loo yaqaan ayaa kasoo kala jeeda deegaanada Mudug iyo Sanaag, waxaana ay ahaayeen dad kaluumeysato ah oo a jilaabta xeebaha deegaanka Durduri ee gobolka Sanaag.

Dooni yar ayaa la sheegay in xalay ay meydkooda dhigtay xeebta kadibna ay badda gudaheeda ku laabatay, waxaana loo malaynayaa inay dileen ciidamada ajaaniibta ah ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya inay jirto cabsi kale oo ay qabaan, maadaama qaar kale oo kaluumeysato ah ku maqan yihiin dhanka biyaha, waxaana dhacdadan ay kusoo aadeysaa iyadoo maalmihii ugu dambeeyay kordhayeen weerarada kooxaha burcad badeeda ay geysanayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com