Liiska xubnaha la filayo in Farmaajo ku wehliyaan shirka London oo la diyaarinayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi lagu diyaarinaayo xubno khaas ah oo Madaxweyne Farmaajo ku wehlin doona Safarka London.

Xubnaha la diyaarinaayo ayaa waxaa lagu soo xulayaa 4.5, waxa ayna ka madaxbanaan yihiin Wafdiga Hogaamiyayaasha Gobolada.

Xubnaha loo xulaayo ka qeybgalka shirka ayaa waxaa ku jiri doona Xubno ka madaxbanaan Golaha Wasiirada iyo labada Gole ee dalka, waxa ayna u badnaan doonaan la taliyayaal.

Ilo ku dhow dhow Madaxweynaha ayaa sheegay in Safarka ay ku wehlin doonaan ilaa 11 ruux oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo La taliyayaal khaas ah.

Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa iminka magaalada Muqdisho ka wada kulamo lagu ciribtiraayo shaki iyo isbarbar yaac ka dhex curta DFS iyo Maamul Goboleedyada.

dhinaca kale, Hogaamiyayaasha Gobolada ayaan loo ogolaan doonin in shirka ay ku wehliyaan Seddex Mas’uul ka badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com