Sawirro cajiib ah: Farmaajo oo la kulmay, ballan-qaadna u sameeyey Faa’isa C/rashiid

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa galabta ballanqaad caafimaad oo dibadda ah u sameeyay Fa’isa C/rashiid, oo ah hal xidigle ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha Somaliya, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Wasiirka Gaashaandhigga iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa si wada jira Fa’isa C/rashiid ugu qaabilay Xarunta Madaxtooyada.

Fa’isa C/rashiid oo u baahan gargaar caafimaad oo dibadda ah, ayuu Madaxweynaha Somaliya ballanqaaday in la gayn doono dal kasta oo wax lagaga qaban karo xaaladeeda caafimaad.

Fa’isa C/rashiid, ayaa si gaar ahi Madaxda Dowladda uga codsatay in loo qaado dalka Jarmalka, oo ay rumeysan tahay in wax looga qaban karo caafimaadkeeda.

Gabadhan Somaliyeed, ayaa laf-dhabarta ka jabtay, ka dib markii ay shil gashay, iyadoo ku guda jirta shaqada ay qaranka u hayso. Waxaana mar sii horeysay loo qaaday dalka Turkiga, inkastoo waxba looga qaban waayay, iyadoona dib dalka ugu soo laabatay.

Fa’isa, ayaa dhakhaatiirta Turkiga waxaa ay u sheegeen in xaaladeeda ay u muuqato mid wax looga qaban karo oo keliya dalkaasi Jarmalka.

Toddobaadkii hore, ayaa waxaa barraha bulshada lagu faafinayay baaq Madaxweyne Farmaajo looga codsanayo in Fa’isa uu u raadiyo caafimaad dibadda ah.