25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Maxaa iska badalay canshuurta jaadka iyo qiimaha lagu kala iibsado Muqdisho kadib ka dagistiisii Magaalada Jowhar?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimadda Online) – Qiimaha la iibiyo QAADKA ayaa hoos u dhac ku yimid, sida ay daaha ka qaadeen ganacsato la hadashay Caasimadda Online.

Sida la ogsoon yahay waxaa jira khilaaf u dhexeeya ganacsatada QAADKA iyo dowladda hoose ee Mogadishu, iyadoo ganacsatadu ay ka cabaadayaan qiimaha sarre ee canshuurta ah ee lagu soo rogay.

Taasi waxay keentay inay ka wareegsadaan Aadan Cadde International Airport, iyadoo maanta oo Khamiis aheyd uu QAADKA la keeno Mogadishu kasoo degay Jowhar, halkaasoo gawaari looga soo daabulay.

Sababta ka dambeysa inay u wareegeen Jowhar ayaa waxaa lagu sheegay canshuurta halkaas oo hooseysa… Tusaale ahaan, halkii Xamar 15 dollars laga canshuuri jiray QUNBULADDA JAADKA ah, Jowhar waxaa la canshuurayaa 3 dollars oo keliya, sida ay daaha ka qaadeen ganacsato la hadashay Caasimadda Online.

Maanta QAADKA yimid Mogadishu wuu soo daahay, sidoo kale hoos u dhac ayaa ku yimid qiimaha la iibiyo. Marduufkiisa markii hore ee uu Xamar kazoo degi jiray wuxuu ahaa 20 dollars, halka maanta la iibinayey 14 illaa 15 dollars.

Si kastaba ha ahaatee, ilo la hadlay Caasimadda Online ayaa daaha ka qaaday inay shaki weyn ka qabaan inuu QAADKU berri oo Jimco ah kasoo degi karo Jowhar, maadaama dowladda hoose ee Mogadishu iyo ganacsatada ay weli wadahadallo u socdaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News