Dowladda Farmaajo ma bixin doontaa mushaaradka lagu leeyahay dowladda dhexe?

Muqdisho (Caasimadda Onlne) – Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu leeyahay mushaar gaarayo ilaa 7 Bil oo lasoo dhaafay taasoo shan bil oo kamid ah lagu lahaa dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud waxayna shantaas bil ka tirsaneyd sanadkii 2016.

Sanadkaan cusub 2017 ayaa waxay shaqaalaha dowladda leeyihiin mushaar gaarayo ilaa 2 bil taasoo isku darkeedu noqoneyso muddo 7 Bilood ah oo ay dowladda dhexe ku leeyihiin shaqaalaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ballan qaaday inuu bixin doono dhammaan mushaaraadka lagu leeyahay dowladda dhexe, waxaana hadda muuqato inuu kaliya bixinayo mushaaraadka xilligiisa.

Haddii ay dowladda Soomaaliya ku guuleysto inay bixiso mushaaraadka Shaqaalaha ee ka maqan, waxaa ka dhici doono culeys weyn oo heysto, maadaama ay deentaan ka tagtay dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud.

Dowladda Soomaaliya ayaa lasoo sheegayaa inay qorsheeneyso sidii ay lacgataas u bixin laheyd, waxaana isi soo tarayo baaqyo ku aadan inuu Farmaajo ka dhabeeyo ballanqaadkii ahaa inuu bixin doono mushaaraadka shaqaalaha ka maqan.

Xukuumadda Xasan Cali Kheyre ayaa shaqaalaha ku qasabtay inay shaqeeyaan saacadaha dastuuriga ah, waxaana loo ballan qaaday inay si joogta ah mushaarkooda u qaadan doonaan.

Xafiisyada Wasaaradaha dowladda ayaa la geeyey systemka lacag bixinta oo lagu programiyey 1 Bisha inuu mushaaraadka u dhaco dhammaan shaqaalaha dowladda, taasoo lagu tilmaamay inay tahay arrin horumar ah, balse waxaa Dowladda looga fadhiyaa inay bixiso dhammaan mushaaraadka deenta ah ee lagu leeyahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com