Cadaado (Caasimadda Online) – Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa maanta kulan deg deg ah oo ay ku yeesheen magaalada Cadado ee xarunta Kumeel gaarka ah ee Maamulka Galmudug waxay kaga hadleen arinta doorashadaxilk madaxeynaha Maamulkaas oo maalmihii dambe aan si fiican u fadhin.
Xildhibaanadaayaa sheegay inay diyaariyeen howlkii lagu qaban laha doorsada madaxweynaha Galmudug , isla markaana musharixiintii xilkaas ku tar tami lahaa ay magaalada Joogaan, sidaasi darteedna doorashadu ay ku dheceyo waqtigii hore loo go’aamiyay ee 30-ka Bishaan .
Waxay sheegeen in Cadaado ay ka socoto diyaar garoowga doorashada madaxweynaha Galmudug oo badal u noqon doona C/kariin Xuseen Guuleed oo bil ka hor xilkaas iskacasilay.
Hadaka Xildhibaaanada Galmudug Wuxuu imaanayaa xilli shalay gudiga doorashada Galmudug ay shaaciyeen in Doorshada madaxweynaha Galmudug la qaban doon 30-ka bishaan oo ay ka harsan tahay muddo ka yar Sedde maalin ah .
Dowladda Soomaaliya ayaa wado qorsho ay dib u heshiisiin uga dhex dhalineyso Galmudug iyo Ahlu Sunna, waxaana hadda muuqato inaan wax natiijo ah laga gaarin, waxayna dowladda iyo Galmudug horey ugu heshiiyeen in doorashada dib loo dhigo waxaana markaas la isla gartay in dhacdo 30 Bishaan.
Guddiga doorashada Galmudug ayaa iyagana dhankooda sheegay inaysan dib dhac dambe aqbali doonin, isla markaasna ay dhici doonto waqtigii ay ku heshiiyeen dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug.
Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

