26.1 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Shan farqi oo u dhaxeeya doorashadii hore ee Galmudug iyo tan iminka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimadda Online) – Waxaa dib u dhacday Doorashadii Galmudug ee lagu waday inay dhaco 30 Bishaan, waxaana loo badalay 03 May oo ku beegan Maalinta Arbacada ah ee soo socoto.

Haddaba waxaa jiro farqi weyn farqi weyn uu dhaxeeyo doorashadii hore ee uu ku guuleystay Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo midda hadda la filayo inay ka dhacdo Cadaado, waxayna u kala qaadi doonaa qeybaha soo socdo:

Dhanka Xamaasadda:

Doorashadaan hadda la filayo inay dhacdo 3 May malahan wax xamaasad ah iyo ololo fiican, mana gaari karto doorashadii ugu horeysay ee Galmudug, markaas oo la ogaa sida looga dareemay dhammaan Soomaaliya, gaar ahaan Gobolada dhexe.

Dhanka Musharixiinta:

Farqiga kale ee u dhaxeeyo labada doorasho ayaa ah xagga musharixiinta, waxaana xusid mudan in doorashadii hore ay isku soo taageeyn ilaa 6 Musharax iy 6  musharax oo ku taagnaa xilka madaxweynimo ku xigeyn

Musharixiinta Madaxweyne ee hore:

  • Axmed Cabdisalaan
  • Axmed Macalin Fiqi
  • Cabdikariim Xuseen Guuleed
  • Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid
  • Maxamed Cilmi Afrax
  • Xasan Maxamed Nuur Qalaad

Musharaxiinta Ku xigeenada ee hore:

  • Bashiir Diiriye Shariif
  • Cabdulaahi Bashiir Cabdinuur
  • Cabdulaahi Xaashi Warsame
  • Cabdiqaadir Cabdulaahi warsame
  • Maxamed Xaashi Carabeey
  • Xasan Maxamed Warsame

Halka ay hadda isku  soo taageyn ilaa 3 Musharax oo kaliya, taasoo kuu muujineyso inaysan suugo laheyn doorashadaan hadda ka dhici doonto  Magaalada Cadaado, waxayna kala yihiin musharixiinta xilkaan hadda u taagan:

1) Cabdulqaadir Shirwac

2) Axmed Ducaale Xaaf

3) Axmed Shariif.

Dhanka Lacagta:

Doorashadii hore ee Galmudug ka dhacday, waxaana jiray kaash badan oo laga dareemayey gudaha Magaalada Cadaado, waxayna musharixiinta ololahooda ku bixinayeen lacago aad u badan, balse hadda ma jirto dhiiranaantaas iyo lacagihii badnaa ee gilgilay Magaalada Cadaado Doorashadii hore.

Khilaafka Ahlu Sunna iyo Galmudug:

Sida laga warqabo waxaa dhawaan fashilmay waanwaantii u dhaxeysay Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca oo ay waday dowladda dhexe kadib markii Ahlu Sunna ay soo bandhigtay shuruudo adag, waxayna arrintaan noqoneysaa farqi dheeri ah oo ku saabsan doorashada Galmudug, Maadaama doorashadii hore aysan gaarsiisneyn khilaafka Ahlu Sunna iyo Galmudug meesha uu maanta joogo waxaana xilligii Cabdikariin la dooranayey jirtay rajo weyn oo laga qabay in Ahlu Sunna laga soo daro Galmudug balse hadda waxaa muuqato halis arrintaas ku aadan

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

- Advertisement -

Read more

Local News