Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa ka hadlay shirka la filayo in bisha soo socota uu ka furmo magaalada London.
Keating, ayaa wax wanaagsan ku tilmaamay shirka ka dhacaya magaalada London ee dalka Ingiriiska, wuxuuna sheegay in shirkaasi uu ahmiyad u leeyahay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Qodobada ugu wanaagsan ayuu tilmaamay in looga hadlayo shirkaasi, waxaase qodobada ugu wanaagsan oo ku tilmaamay hanashada amaanka guud ahaan ee dalka Soomaaliya iyo arimaha abaaraha ka jira dalka.
Arimaha kale ee ugu muhiimsan shirka London ayuu ku tilmaamay inay ka mid yihiin iskaashiga dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka, maadaama shirkaasi ay ka qeyb galayaan madax kala duwan.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baqay inay dowladda Soomaaliya garab istaagaan si looga guuleysto dadka dhibaatada ku haya ummada SOomaaliyeed.
11 Maalin kadib ayaa la filayaa in shirkaasi oo ay ka qeyb galayaan madaxda ugu sareyso dalka iyo madaxda maamul goboleedyada inuu ka dhaco magaalada London ee dalka Ingiriiska.

