Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafka u dhaxeeyo dowladda dhexe iyo Maamulka Hirshabelle ayaa gaaray meeshii ugu dambeeyey, wuxuna maamulk Hirshabelle waraaq dacwad ah u diray labada gole ee Baarlamaanka, gaar ahaan kuwa matala Hirshabelle.
Waxaa qoraalka looga dalbaday xubnaha labada gole ee Hirhshabelle matala inay si deg deg ah uga shaqeeyaan sidii loo furi lahaa ilaha dhaqaalaha ee Maamulka Hirshabelle, waxaana ku saxiixnaa Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Hirshabeelle Cabdikariin Cali Nuur .
Wuxuu tilmaamay wasiirka in dowlada federalka hortaagan tahay in Hirshabeele furato dekedaha iyo garoomaheeda diyaaradeed iyadoo maamulada kale loo ogol yahay inay heshiisyo horumarineed la galaan dalal shisheeye sida Puntland, midaasna ay u muuqato inay tahay arrin culeys lagu saarayo Hirshabelle.
“Dowlad goboleedyada kale sida Puntland waa loo oggol yahay inay dekedahooda iyo garoomadooda shaqeeyaan ayna la galaan heshiisyo dalalka dibada balse Dowlad Goboleedka Hirshabeelle looma ogola inay furato dekedaheeda iyo garoomada diyaaradaheeda.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowlad goboleedka Hirshabelle.
Haddaba halkaan hoose ka aqriso waraaqda kasoo baxday Hirshabelle ee loo diray xubnaha labada gole ee Hirshabelle matala.