Cadaado (Caasimadda Online) –ย waxaa Magaalada Cadaado si rasmi ah uga bilaabatay doorashada Madaxweynimo oo ay ku tartamayaan ilaa seddex musharax.
Doorashada oo ah mid si weyn loo soo agaasimay, ayaaย waxaa goob joog ka ah wafdi ka socdo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Cabdi Faarax Juxa, waxaana wafdigiisa ka mid ah xubno ka kala tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Wasiiro.
Doorashadaan ayaa ah mid aad loogu loolami doono, waxaana isku hayo ilaa seddex musharax oo kala ah:
1-Axmed Xaaf Ducaale Geelle.
2-Axmed Shariif Cali Hiloowle.
3-Prof Cabdulqaadir Shirwac.
Waxaa la filayaa inay noqon doonto doorashada aad looga hardamo iyadoo musharaxiin ay sameeyeen ololo aad u badan oo ay ugu diyaar garoobayaan sidii ay u heli lahaayeen codka xubnaha Baarlamaanka Galmudug.
Musharaxa ilaa hadda ugu cad cad doorashada waa Axmed Shariif Cabdi Hilowle oo la tilmaamay inuu heysto codka Xildhibaano gaarayo ilaa 64 Xildhibaan, waxaana sidoo kalana la filayaa inuu kaalinta labaad soo galo Axmed Xaaf Ducaale, halka Prof. Cabdulqaadir Shirwac uu tartankaas la geli doono kaalinta seddexaad sida hadda muuqato, balse wax kasta way is badali karaan marka la tiriyo codadka Xildhibaanada.
Wixii natiijo ah iyo cidda isugu soo harto kaalinta labaad waan idinla socodsiin doonaa Inshaa.