Faysal Cali Waraabe Muxuu ku diiday in cunaqabateynta Hubka Somalia laga qaado ?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha xisbi mucaaradka UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa kasoo horjeestay qorshe xukuumada Kheyre ay waday maalmahaan oo ku aadanaa sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa Cunaqabateynta dhanka hubka ee saaran.

Wuxuu Faysal ka digay in shirka London lagu ogolaadaa in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta dhanka hubka ee Saaran Soomaaliya tan iyo markii ay dhacday dowladii dhexe ee dalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneyso in shirka London ay la tagtaa sidii Soomaaliya cunaqabateynta looga qaadi lahaa, waxaana Faysal uu sheegay in Somaliland ay arimahaasi dhibaato ku noqon doonaan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in hubka inta badan haatan uu gacanta ugu jiro beelaha Soomaaliya haddii laga qaadana ay horseedi doonto in hub culus oo wax gumaado inay shacabka gacanta u galaan.

Mas’uuliyiinta maamulka Somaliland ayuu ugu baaqay in ka hadlaan Shirka London , islamarkaana ay ku dadaalaan sidii looga hortagi lahaa in cunaqabeynta Hubka laga qaado Soomaaliya.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET