Tababaraha kooxda Santos Muricy Ramalho ayaa daaha ka qaaday in kooxdiisu wadahadal kula jirto weeraryahanka kooxda Milan Robinho.
28 jirkaan ayaa dhibaatooyin dhaawac ah la tacaalaayey inta badan taasoo keentay inuu keliya hal kulan oo horyaalka ah kusoo bilowdo, tababaraha Peixe ayaana qirtay in kooxda ka dhisan Brazil ay dib ula soo saxiixaneyso weeraryahanka.
“Waa socdaan wadahadaladii aan la laheyn Robinho,” ayuu u sheegay saxaafada Brazil.
“Isaga uma ahan waqti fiican, taasna waa mid inaga noo wanaagsan.
“Fursado badan ma uusan ka helin kooxda Massimiliano Allegri, sidaas darteed rajo fiican ayaan ka leenahay.”
Robinho ayaa Milan 18 milyan oo euro uga soo qaadatay Manchester City, 91 kulan ayuuna u saftay Diavolo, isagoo u dhaliyey 25 gool.
W/Q: Ahmed jaangoan
E-mail: [email protected]
Caasimada — Somalia.