28 C
Mogadishu
Friday, December 5, 2025

Shirkii London oo lagu arkay awood iyo karti dheeri ah oo uu leeyahay Farmaajo

Bookmark
Bookmarked

Share

London (Caasimada Online) – Shirkii London ka dhacay kaasoo looga hadlayey arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu arkay awood iyo karti dheeri ah oo uu leeyahay Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirka London ku garaacay madaxda maamul Goboleedyada dalka  marka la fiiriyo dhanka adadeegga iyo ku dhaqmidda nadaamka Federalism-ka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku guuleystay inuu xakameeyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ee u raacay shirka London, wuxuuna ku amray inay dowladda dhexe uga dambeeyaan shirarka Caalamiga ah oo uu ugu horeeyey shirkii London kusoo dhamaaday Khamiistii.

Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ayaa loo diiday inay khudbado ka jeediyaan shirka London, waxayna midaas daba socotay heshiisyadii ay dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada ku kala saxiixdeen Muqdisho xilligii laga wada hadlayey sida loo wajahayo shirka London oo hadda laga soo saaray natiijooyin muhiim ah.

Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa isku dayey inay saacadihii ugu dambeeyey loo ogolaado inay khudbado ka jeediyaan shirka London, midaas oo lagu tilmaamay inay aheyd khiyaano iyo ballan ka bax ay ku sameyn rabeen Madaxweyne Farmaajo, balse waxaa arrintaas ka biyo diiday guddiga qaban qaabada shirkaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa halkaas kusoo bandhigay karti dheeri ah iyo inaysan jirin cabsi uu ka qabo inay uga timaato  ku dhaqmidda Federalism-ka, maadaama qaar ka tirsan madaxda Maamul Goboleedyada ay jecel yihiin inay saameyn ku yeeshaan shirarka Caalamiga iyo inay heshiishyo la galaan hey’ado caalami ah.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News