Gaafow oo ka hadlay in Kheyre uu difaacayo kiiska dilka ee darawalkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaanahani aad loo hadal hayay dil uu geystay darawalka Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka NISA, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Taliyihii Hore.

Taliyihii hore ee NISA General C/laahi Gaafow Maxamuud, ayaa xaqiijiyay in uu xiran yahay darawalkiisa, isla markaana uu yahay mid sugaaya in cadaalada la horgeeyo.

Gaafow ayaa sheegay in darawalkiisa uu ku wareejiyay laamaha amaanka waxa uuna tilmaamay inaanu jirin sabab uu kusii hayo qof dil u geystay qof kale oo muwaadin ah.

Gaafow ayaa sheegay inaanu caqabad ku aheyn in gacan ku dhiiglaha la baro kadibna la mariyo wixii sharci ah.

Gacan ku dhiiglaha dilka loo heysto Faarax Cali Nuur, ayaa afar habeen ka hor waxaa la sheegay in Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir uu ku dilay Agaasimihii Guud ee Maxkamadda Sare Dalka, Mursal Cumar Cismaan.

General C/laahi Gaafow Maxamuud, ayaa sheegay in dhawr saacadood kadib ay ku guuleysteen soo qabashada darawalkiisii, isla markaana ay ku wareejiyeen Hay’adda Nabad Suggida, si cadaaladda loo horkeeno.

Gaafow ayaa intaa kusii daray in ay la xiriireen ehelada marxuumka ee degan Magaalada Muqdisho, isla markaana ay isku afgarteen in la suggo aabaha dhalay marxuumka, oo ku soo wajahan Magaalada Muqdisho, sida uu yiri.

Dilka uu geystay darawalka Gaafow ayaa noqonaaya hadal heynta ugu badan ee magaalada Muqdisho waxaana maalmihii tagay la sheegay in Gaafow uu ka meermeerayo inuu dhiibo gacan ku dhiiglaha.

Geesta kale, General C/laahi Gaafow Maxamuud, ayaa si adag u beeniyay in Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre uu difaacayo darawalkiisa, isla markaana aanay waxba iska khuseynin dilka uu gaystay darawalkiisa iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET