Sawirro: Muqdisho ma u darsatay maamulkii hore misa waa ka darsatay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hoos u dhac ballaaran ku imaaday bilicda guud ee magaalada Muqdisho, tan iyo markii uu Madxaweynaha Somalia magacaabay maamulka cusub ee Gobolka Banaadir.

Goobaha ugu badan ee laga dareemaayo hoos u dhaca bilicda magaalada Muqdisho ayaa waxaa kamid ah wadada dheer ee Makka Al-Mukarama.

Hoos u dhaca bilicda ayaa waxaa sababay roobaba fasahaadiyay wadada Makka Al-mukarama ee ugu mashquulka badan, waxaana xusid mudan in wadadaasi ay inta badan uusan ka daarneyn leyrarka cadceeda ku shaqeeya.

Waddada Makka Al-mukarama ayaa waxaa sidoo kale dhooban biyo iyo wasaq farabadan oo ka dhashay roobabka inkastoo aan la ogeyn sababta ka danbeysay in maamulka Gobolka ka jiifto.

Maamulka Gobolka ayaa xiligaani ku mashquulsan dhajinta Boora Qurux badan oo Goboka Banaadir ku dhejinayo Wadada kuwaa oo loogu diyaar garoobaayo 15 May oo ah Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Boorarka qaarkood ayaa waxaa hoos buuxa bulaacado ay fadhiyaan biyo iyo wasaq wada socda, oo u muuqda inaanu wali qaban indhaha Mas’uuliyiinta ku shaqada leh dib usoo celinta bilicda Gobolka Banaadir.

 

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET