Sawirro: Sidee R/W Kheyre loogu soo dhaweeyay Doha?

Doha (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia, Xasan Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Doha ee Caasimada Dalka Qadar.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada, iyadoo magaalada Doxa kaga qeyb galaya shirka Doxa Forum.

Shirkan ayaa socon doona labo cisho 14-15 bishan, waxaana lagu soo bandhigi doona doodo kala duwan oo la xiriira ajandayaasha shirka hor-yaala.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Doha, waxaana soo dhaweyntiisa ka qeybqaatay Mas’uuliyiin dhowr ah oo ka tirsan Xukuumada Doha.

Waxaa shirka ka qeyb galaya wafuud ka socota dalal badan, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale oo shirka lagu casumay.

Ra’isul wasaare Khayre ayaa magaalada Doxa kula kulmi doona madaxda dalka Qadar iyo kuwo kale oo ka socda beesha caalamka.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET