R/W Kheyre oo xil u magacaabay shaqsigii Farmaajo u tirinayey codadka + Magaca + Qabiilka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xil muhiim ah u magacaabay Axmed Cabdullaahi Samow oo ahaa shaqsigii Farmaajo u tirinayey codadka intii ay socotay doorashadii uu kaga guuleystay musharixiin badan oo Soomaaliyeed.

Ra’isulwasaaraha ayaa ninkaan u magacaabay Agaasimaha Canshuuraha Wasaaradda Maaliyadda ee xafiiska Dakadda Muqdisho.

Ninkaan ayaa ahaa shaqsigii codka u tirinayey Farmaaj, waxayna arrintaan qeyb ka tahay xilalka loo magacaabay dadkii Farmaajo lasoo shaqeeyey intii uu ololaha ku jiray, wuxuuna Axmed  kasoo jeedaa Beesha Gaaljecel.

Waxaa xusid mudan inuusan Axmed ka tirsaneyn shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda isla markaasna uusan ka diiwaan gashaneyn Shaqada iyo shaqaalaha, waxaana dariishada kasoo geliyey Ra’isulwasaare Kheyre oo ku dadaalayo in xil kasta loo magacaabo shaqsiyaad ay ka heli karaan sida ay rabaan.

Xilkaan ayaa waxaa laga qaaday Cali Macalin oo ahaa shaqsi si fiican u gudan jiray waajibkiisa kana kasoo jeeday Beesha Saleebaan, waxaana xilkaas ka qaaday Ra’isulwasaare Kheyre oo soo jeedin ka helay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Mustaf Dhuxulow iyo Xildhibaan Dhag Dheer.

Xilk ka qaadistaan ayaa waxaa la sameeyey asbuucyo ka hor, waxaana diiday inuu saxiixo wasiirka Maaliyadda Beyle oo sheegay inuusan u jeedin sabab keeni karto in Cali laga qaado xilkiisa, waxaana halkaas ka dhashay Khilaaf ku aadan xil ka qaadistaan kaasoo dhex maray Ra’isulwasaaraha oo markii hore waraaqda soo qoray iyo Beyle oo saxiixa ugu dambeeyo leh.

Ugu Dambeyntii cadaadis badan ka dib Kheyre ayaa ku guuleystay inuu maanta xilka ka qaado Cali Macalin oo ahaa agaasimihii xafiiska Canshuuraha Wasaaradda Maaliyadda ee Dakadda Muqdisho kadib markii uu saxiixay Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET