Dadka iska leh dhulka uu ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre doonayo inuu ka dhigo garoonka diyaaradeed ee degmada Dayniile, si khaadka looga soo dejiyo, ayaa digniin culus ka bixiyey qorshahaas.
Bayaan kasoo baxay dadkan uu badan kuwa u dhashay beesha Abgaal, gaar ahaan Mataan Cabdulle, ayaa sheegay inaysan aqbali doonin in dhulkooda lagu soo gardarrooda.
“Arrinta uu wado ra’iisul wasaaraha waa xadgudub, dhulkan ma dooneyno in garoon laga dhigo, beec nooma ahan, mana aqbaleyno in xadgudub na lagu sameeyeo” ayey yiraahdeen.
Waxay ka digeen in cawaaqib xun ay ka dhalan karto haddii dhulkooda ay dowladda kusoo gardarooto, waxayna ka digeen in dhiig badan uu ku daadan doono hadii dhulkan loo soo dhowaado.
“Dhulkan dadka leh waa dad leh awood ku filan, oo garabna ka haysta dhammaan beesha Abgaal, hadii dhulka la yimaado waxaa ka dhalan doono dagaal iyo cawaaqib” ayaa lagu yiri bayaanka.
Dhulkan ayaa hadda ka hor waxaa xoog ku qabsaday Maxamed Qanyare, hase yeeshee waxaa dib loo soo celiyey kadib markii ay baxeen hogaamiye kooxeedyadii, waxaana hadda uu yahay dhul sharciyeysan oo leh warqado sax ah oo ay dowladda bixisay.
Qorshahan cusub ee uu wado Kheyre ayaa waxaa kasoo horjeestay madaxda sare ee dowladda, waxayna sheegeen in khaadka la rabo in garoonkaas laga soo dejiyo ay dowlad ku weyn karto dhaqaalaha canshuurta, ayna dooneyso in laga soo dejiyo garoonka Muqdisho.

