28.1 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xafiiska Farmaajo oo lagu arkay sawirka madaxweyne soo maray Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

 Muqdisho (Caasimadda Online) – Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu arkay sawirka madaxweyne caan ah oo soo maray Soomaaliya, wuxuuna arrintaa uga soo hadlay bartiisa Twitterka.

Madaxweynaha ayaa Twitterka ku sharaxay sababta keenta inuu sawirka  Madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Mudane Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) uu ku dhajisto xafiiskiisa.

“Waxaan xafiiskayga suray sawirka Madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Mudane Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde).” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo intaas ku daray. “Aadan Cadde ma ahayn oo kaliya Madaxweynihii 1aad ee dalka. Waxaa kale oo uu ahaa bud-dhigihii dimuqraadiyadda Afrika.”

Madaxweynaha ayaa muujiyey inuu yahay Madaxweyne qaran isla markaasna wuxuu meesha ka saaray hadalada qaar ay sheegayaan dadka ku kacsan dowladiisa ee ahaa inuu yahay qabyaaliiste heysta wadadii madaxweyne Siyaad Barre oo ay isku beel ahaayeen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isticmaalay qorsho aad loola yaabay oo uu uga hortagayo dadka shaqsiyadiisa wax ka sheega, wuxuuna sawirkaan badali doonaa quluubta Soomaali badan oo aaminsanaa inuu madaxweynaha dalka ku maamuli doono siyaasadii SIyaad Barre oo kale.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News