28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Maxaa ka jira in isku shaandheyn lagu sameyn doono xukuumadda Kheyre?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa damacsan qorsho weyn oo uu ku doonayo isku shaandeyn lagu sameeyo golaha wasiirada markii ay dhameystaan 6-da ee ugu horeyso, si meesha looga saaro wasiirada aan shaqadooda kasoo bixin sidoo kalana wasiirada qaar la geeyo meelo kale oo ay ku haboon yihiin.

Xogta ay heleyso Caasimadda Online Isku shaandheyn lagu sameyn doono xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, waxayna Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay Sheegayaan in markii 6 bil ay dhammeystaan wasiiradan hadda shaqeynaya kadib isbedal ballaaran lagu sameyn doono xukuumadda.

Waxaa la kala wareejin doonaa wasiirada qaar, halka qaarna gabi ahaanba shaqada laga diri doono, waxaana la taaban doonin wasiirada arrimaha dibadda iyo sidoo kale Maaliyadda.

Qorshahan waxaa la sheegayaa inuu wato Ra’iisul wasaaraha, balse waxaa dhici karta in dib looga laabto arrintaan haddii wasiirada ay lasoo baxaan dar dar shaqo oo ka duwan midda hadda.

Xukuumadda Kheyre ayaa laga sugayaa iney dalka geliso isbedal ku socda xowli aan la qiyaasi karin, walow ay jiraan dhaliilo durba ay leeyihiin wasiirada qaar.

Ilaa hadda xogtan soo baxday wax war ah kama soo saarin xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News