New Delhi (Caasimada Online) – Mucjisadaani ayaa ka dhacday dalka India, gaar ahaan Magaalo ku taal waqooyiga oo lagu magacaabo Assam, kadib markii uu ku dhashay Orgi ka duwan kuwa caadiga ah.
Orgigaani ayaa ku dhashay hal il iyo hal dheg, waxayna qeyb ka tahay mucjisooyinka rabbi ee u baahan in lagu cibro qaato.
Orgigaani oo dhalashadiisa kadib ay booqden dhakhaatiirta xoolaha India, ayaa waxa ay sheegen inaanu sii noolan doonin muddo ka badan hal bil, waxa ayna tilmaamen inuu yahay mucjiso aan horay loo arag.
Dhakhaatiirtu waxa ay sheegen inay badqabto waxar yar oo mataal la aheyd Orgiga, waxa ayna ku baaqen in la geeyo goobaha ay dadka ku badan yihiin si loogu cibro qaato ka hor inta uusan wajahin naf baxa.
Dalka india ayaa waxaa ka dhaca mucjisooyin inta badan dareen galiya dadka kasoo jeeda dalkaasi, waxaana la sheegay inay ku dhashaan carruur iyo xoolo aan la khiyaasi karin waxa uun muuqaalkooda shabaho, balse ay yihiin mucjiso.

