Maxaadan ogeyn oo ka socda magaalada Cadaado ee maamulka Galmudug?

Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug ka socda qabanqaabada munaasabada caleemasaarka Hogaamiyaha maamulka Axmed Ducaalle Geelle.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa kusoo qulqulaaya mas’uuliyiin ka tirsan DFS, Odayaal, Nabadoono iyo Siyaasiyiin kala duwan.

Mas’uuliyiinta kusoo qulqulaaya magaalada Cadaado ayaa waxaa kamid ah Xildhibaano ka tirsan BFS, waxaana jawi ka duwan kii hore galay magaalada Cadaado.

Waddooyinka magaalada ayaa waxaa sidoo kale lagu arkayaa gaadiidka dagaalka iyo ciidamo aad u hubeysan kuwaa oo xaqiijinaaya amniga magaalada.

Mid kamid ah Guddiga qabanqaabada caleemasaarka ayaa laga soo xigtay in la qaban doono maalmaha Talaada ama Arbacadda Midkood.

Si kastaba ha ahaatee, Hogaamiyaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle ayaa la doortay Saddexdii Bishaan.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com