25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Muxuu Gaas ka yiri wararka sheegaya in uu ku tagri falo mushaarka ciidamada?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa ka hadlay wararka sheegaya in ciidamada maamulka aan lasiin Mushaaradkii ay ku lahaayen maamulka.

C/wali Gaas, ayaa sheegay inay been abuur tahay wararka la xiriira mushaar la’aanta waxa uuna sheegay in isaga wax laga weydiin doono bixinta Mushaaraadka ciidanka.

Ciidamada ka tirsan maamulka ayuu sheegay in gabi ahaantooda ay yihiin kuwa si toosa u qaata Mushaaradka, balse ay jiraan shaqsiyaad ka beensheega xaqiiqda.

”Addeer ma jiraan wax la yiraahdo mushaar la’aan heysata ciidamada maamulka waxaa suuragal ah inay kasoo daahdo ee wey qaatan xuquuqdooda”

”Waxaa jira warar aan laga fiirsan oo laga faafiyay ciidamada, waxaanse anigu qirayaa in ciidamadu ay qaatan mushaar”

Gaas waxa uu sidoo kale sheegay in maamulka iyo Saraakiisha ay si weyn uga fekeraan Mushaarka iyo ciidamada daryeelkooda.

Ciidamada Puntland ayaa inta badan cabasho xooggan waxaa ay ka muujiyaan Mushaar la’aan ay kala kulmaan maamulka uu hoggaamiyo Cabdiwali Gaas.

Dhinaca kale, Seddexdii bil ee ugu danbeysay waxa ay ciidamo gadoodsan la wareegayeen Bangiyada iyo xarumaha maamulka kuwaa oo ka cabanaayay mushaar la’aan dhowr bil ah.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News