Arsenal, Chelsea iyo Liverpool oo sugaya go’aanka Huntelaar.

Weeraryahanka kooxda Schalke Klaas-Jan Huntelaar ayaa go’aansan doona hadii uu u dhaqaaqayo Barclays Premier league kooxaha ka ciyaara. Sida uu qoray wargeyska The Sun.

Waxaa lagu qiimeeyaa 7 milyan oo ginni weeraryahanka xulka Holland, oo 29 jir ah, qandaraaskiisu wuxuu dhawacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkaan waxaana doonaya Arsenal, Chelsea iyo Liverpool.

Wakiilka Huntelaar, Arnold Oosterveer ayaa yiri: “Klaas wax go’aan ah ma gaarin.

“Wuxuu dalabyo ka helay England, Italy iyo Spain.. waxaa sidoo kale macquul ah inuu sii joogo Germany.

“Wuxuu doonayaa inuu mastaqbalkiisa go’aan ka gaaro deyrta.

“45 maalmood ee soo aadan wuxuu doonayaa inuu ogaado qorshihiisa xiga wuxuuna go’aan ka gaari doona kubadiisa cagta mana ku saleysna wax lacag ah.”

Weeraryahankii hore ee Ajax, Real Madrid iyo AC Milan ayaa xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay 48 gool u dhaliyey Schalke 47 kulan oo uu garoonka u galay.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Somalia.