Hargeysa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka dhawaajiyey hal arrin oo ay wadaagaan Itoobiya iyo Somailand xilli uu ka qeyb qaadanayey hambalyada loo dirayo dowladda Itoobiya iyo shacabkeeda.
Siilaanyo ayaa sheegay in ay taariikh dheer wadagaan Somaliland iyo Itoobiya,isla markaana wakhti isku mid ah iska rideen laba kalitalinimo oo wadankoodda haystay sida uu hadalkiisa u dhigay xilli uu hambalyo u dirayey dowladda iyo shacabka Itoobiya oo u dabaal degaya sanad guuraddii 26aad ee ka soo wareegtay markii Itoobiya iska xoraysay rajiimkiii dhergiga ahaa ee wakhtigaasi xukumi jiray.
“Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo isaga oo ku hadlaya afka shacbiga Somaliland iyo ka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa dalka aynu walaalaha iyo jaarkaba nahay ee Itoobiya iyo shacbi weynaha dalkaas, isaga oo madaxweynuhu ku hambalyeynaya sannad guurada 26-aad ee ka soo wareegtay markii ay shacbiga dalka Itoobiya ka guulaysteen rajiimkii dhergiga ahaa ee xiligaasi xukumaayey dalka Itoobiya, marka taariikhda Itoobiya loo noqdana ku beegan xuska 20 guurada loo yaqaan ginbot 2009.”ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda oo uu ku saxeexan yahay agaasimaha saxaafadda Madaxtooyadda Naasir Yuusuf Daahir.
“Xuska ginbot oo ah maalin taariikhda Itoobiya qiimo weyn ugu fadhida waxa uu madaxweynuhu u rajaynayaa shacbiga iyo dawladda Itoobiya inay sannadka, sannadkiisa ku gaadhaan guul, barwaaqo, iyo Itoobiya oo ka sii horumarta halka ay maanta marayso.”ayuu madaxweynuhu raaciyey.
Madaxweynaha oo ka hadlaya xiriirka ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya waxa uu yiri “Marka laga yimaado xiriirka saaxiibtinimo, iskaashiga nabadgelyada, ganacsiga, iyo deris wanaaga ee Itoobiya inaga dhexeeya waxa hubaal ah oo aynu wadaagnaa taariikh ma guurto ah oo ah in aynu isku wakhti ama rubuc qarniba aynu wada xusaynay taariikh mataano ah oo shacbiga labada dal ay kaga hoos baxeen gacantii keli talisnimada ee militeriga ahayd ee Mingiste Hailemariam iyo Maxamed Siyaad Barre oo ay hadda ka soo wareegtay 26 sanno markii xukunka laga tuuray.”
Hadalka Siilaanyo ayaa kusoo aadayo xilli dhawaan ay Somaliland share ka siisay lacagta kasoo xarooto Dakadda Berbera taasoo noqotay mid aad loola yaabay inkastoo ay Somaliland marmarsiiyo ka dhigatay in shirkadda lagu wareejiyey qandaraaska Dakadda Berbera ay iyada Share-ka siisay Itoobiya.