Cadaado (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ka dalbaday inuu ka shaqeeyo badbaadinta boqolaalka Burcad-badeed ee ku jira gacanta dowlada India.
Xaaf waxa uu sheegay in isha lagu hayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee Burcad-badeednimada ugu xiran India, waxa uuna ku baaqay in DFS ay arrintaasi kala hadasho dowlada India.
Xaaf waxa uu Madaxweynaha hortiisa ka ballanqaaday inuu bixinaayo diyaarada lagu soo daad gureyn lahaa dhalinyaradaasi ku jira Xabsiyada India.
”Waxaan bixinayaa dhaqaalaha lagu kireynaayo diyaarada lagu soo qaadi lahaa dhalinyaradaasi, waxaan ka danqanayaa cadaabta iyo arxan darada heysata dhalinyaradaasi waan la socnaa in qaarkood ay ku dhinteen Xabsiyada qaarna ay ku naafoowen”
”DFS ayaa ka mas’uul ah badbaadinta dhalinyaradasi waxaan uga fadhinaa inay aqbasho soo furashada dhalinyaradas”
Xaaf ayaa sheegay in la helaayo Xabsiyo ay dhalinyaradasi uga badbaadi karaan dhibta hada ku heysata Xabsiyada India.
Xaaf waxa uu cadeeyay in si ula kac ah loo dilo maxaabiista burcadnimada loogu heysto dalka India.
Si kastaba ha ahaatee, Xaaf ayaa Madaxweynaha ku wargaliyay in wixii wadahadal ah uu isaga khuseeyo, halka diyarada lagu soo qaadi lahaa uu isaga bixinaayo.
Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]