Washington DC (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa go’aan ka gaaray inuu dib u dhigo inuu safaaradda Mareykanka ka raro magaalada Tel Aviv una wareejiyo magaalada Jerusalem, inkasta oo sidaas uu ballan qaaday intii uu ku guda jiray ololaha doorashada.
Trump ayaa dib u cusbooneysiiyey xeer u saamaxaya inuu isku diido sharci Mareykanka ah oo dhigaya in safaaradda Mareykanka loo raro Jerusalem, taasi oo lix bil oo kasta ay sameynayeen madaxweynayaashii ka horreeyey ee Mareykanka tan iyo sanaddii 1995-kii.
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu fulin doono ballan-qaadkii uu sameeyey, hase yeeshee inuu doonayo inuu si buuxda fursad u siiyo heshiis dhex mara Falastiiniyiinta iyo Israa’iilliyiinta.
Hoggaamiyayaasha Falastiiniyiinta ayaa horey uga digay in tallaabo noocaas ah ay halis gelin doonto xalka laba dal.
Safiirka Falastiin u fadhiya Mareykanka ayaa soo dhoweeyey go’aanka.
“Tani waxa ay waafaqsan tahay siyaasadda muddada dheer Mareykanka uu aaminsan yahay, waxayna fursad siineysaa nabadda” ayuu yiri Hussam Zomlot.
Hase yeeshee, ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu aad uga niyad jabay go’aanka Trump, balse uu la dhacsan yahay qorshaha ah in sidaas uu sameynayo mustaqbalka.
Falastiiniyiinta ayaa Bariga Jerusalem ee Israel ay xoogga ku haysato u arka caasimadooda mustaqbalka, halka Israel ay magaalada Jerusalem oo idil ay ka dhigatay caasimadeeda.
Mareykanka iyo inta badan dalalka xubnaha ka ah QM uma aqoonsana Jerusalem caasimadda Israel, islamarkaana maamulka magaalada ayaa qeyb ka ah dagaalka daba dheeraaday ee Yahuudda iyo Falastiiniyiinta.
Israel ayaa Bariga Jerusalem ku qabsatay dagaalkii lixda maalmood ee sanaddii 1967-kii, kadibna sheegatay, tallaabadaas oo beesha caalamka aysan marnaba aqoonsan.
Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
[email protected]