Mudo 27 sano ah ayuu Gobalka Banadir ku jiraa cadalad darro, Colaad, dagaal aan kala joogsi lahayn, waxana ku nafwaayay dad ka badan 2 malyan ruux oo Somali ah majiro Gobal kale ee intaas oo dad ah lagu dilay, dowladihii dalka soo maray iyo tan haatan shaqaysa oo aan marnaba dhexdhexaad kaahayn dhismaha mamul Gobaledka Banadir State.
Waxaa la dul-dhigay shacabka ku nool Gobalkani Cunaqabatayn dhaqale iyo mid siyaasadeed waxayna dowlad kasta ee soo martay ahayd mamul Gobaled aan dhafi Karin Xamar, waxan xasusta in madaxdii dalka soo maray qaarkood ay si cad u qirten dheheena “xagee xukumaa hadii aan mamul-gobaleed u dhiso Banaadir” wuxuna aminsana in dowladiisu tahay Mamul Gobaled ka taliya Banadir oo qura.
Gobalka Banadir waa Gobalka Ugu dhimashada iyo dhaawaca Badna ee lagu hoobtay Dagaaladii sokeeye ee dalka soo maray ilaa iyo hadana ku dulman Federalka dalka ka hirgalay looman ogola in ay helaan matalaada 2da aqal ee Barlamaanka Somaliyeed waxana sabab looga dhigay ma lihidiin mamul-gobaleed.
Runta waxay tahay hadii aney Mamaul- Gobaleed lahayn Reer Banadir kama qayb galikaraan awood qaybsiga dalka ka hanqaaday, waxan aminsanahay in federalka macnihiidu yahay baahinta Awoodda qaranka si an Gobalna gobalkale ugu tagri falin.
Waa fekir aad iyo aad u daciif ah wana Cadaalad drro in la yirahdo Shacabka Gobalka Banadir kama Qaybgalayo awood qaybsiga federalka dalkeena, Ciddii arintaas ku Kacdo ama lexiso Caddalada waa gabood fal caddaan ah ee an geedna leesugu soo gamban waxayna Mudantahay in layska celiyo.
Banadir State dhismaheedu wuu socdaa, mar dhawna waa lasoo gaba-gabenayaa insha’lah, Affar jeeblayasha isku dayayo in ay burburiyaann kana hortagaan dhismaha maamulkan waxa u wanaagsan in ay ka fiirsadan oo aney hor stagin mutaqbalka dhalinta soo koreyso ee ku manafacsan doona, wayo, asagood maamulo ayaa awoowayashod u sameyey.
Waxaa malmahan dambe soo shaac baxay danistayaal fara ku tiris ah ee ka mid ah shacabka degan Gobalka Banadir oo loo adeegsamayo burburinta iyo ka hortagga aas aaska dhismaha Maamul- gobaledka cusub ee banadir state, lakin dhalinyarada, waxgaradka, siyasiyiinta, Mutacaliniinta iyo ururada bulshada dhamaan indhaha ayey ku haayaan.
Xaqiiqada waxay tahay ilaa 1991kii in Mamul laga dhiso Gobalka Banadir waxaa hor taagnaa danistayal gar ah iyo siyasiyiin can ah oo ka dhex shaqeya Shacabka iyo Dowlada ayago iska dhigaayo dad daacad ah lakin ka fekirayo jeebkooda kaliya taas ayaa dib u dhgtay in uu Banadir Mamul-Gobaleed ka dhismo sda muuqatana weli jeebkooda ma buuxsamin.
Mamul-gobaledyada dhismay mid laga sugay Dowlada Federalka ma jiro, Qolawalba aygaa dhistay Mamulkooda, Reer Banadir State Cidna ma sugayaan ayagaa dhisanayo Mamulkooda Madaanma ay Dowlada Carqaladysaday in Xamar ku dhistaan Gogosha waxay taalaa Balcad.
W/Q: Dr. Hussein Ali Nuur
E-mail [email protected]