Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 1 qof oo dumar ah ayaa ku dhintay in kabadan 10 kalane Isbitaal ayaa la dhigay kadib markii ay ku Neef qabatoomeen Bananbixii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Dadkan ayaa naqaska ku xirmay kuleelkii iyo ciriirigii ka jiray Isbartiibada, waxaana ku jiray haween uur lahaa kuwaas oo lagu soo waday in Macaawino la siin doono.
Gaadiidka Ambalaasta ee Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb qaadanayay daad-gureynta dadka ku neef qabatoobay garoonka, xilli saxmad badan ka jireen.
Illaa 11 Haween ayaa la geeyay Isbitaalka Umadda ee degmada C/casiis, waxay u badnaayeen haweenka ka tirsan degmada Wadajir, sidoo kale waxaa jira haween kale oo isbitaalada kale la geeyay.
Bulshada qaar ee ka qeyb galay Banaanbaxa ayaa isaga soo baxay Garoonka markii ay waayeen wixii loo soo balan qaaday ee ahaa in Madaxweynaha Cunto bixin doono waxa ayna dadka qaar soo baxayn iyagoo wali khudbeynaayo Madaxweynaha Soomaaliya.
Guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa ku mashquulsanaa la tacaalida xaalada haweenka ee ku neef qabatoobay garoonka Banaadir Stadium, waxaana ay ku sugnaayeen Isbitaalada qaar.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]