Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada hub ka dhigista ka wada magaalada Muqdisho iyo ciidamo kale oo hubeysan ayaa maanta dagaal isaga hor yimid isgoyska Carwo Itko ee degmada Howlwadaag, halkaasi oo khasaare nafaeed uu ka dhashay.
Iska hor-imaadka ayaa billaabmay kadib markii ciidamada dowladda ee hub ka dhigista wada ay isku dayeen inay hubka ka dhigaan ciidamo kale oo la sheegay inay ka tirsan yihiin milatariga, kuwaasi oo rasaas kala hor-yimid.
Iska hor-imaadka ayaa waxaa ka dhashay khasaare soo gaaray ciidamada dowladda iyo shacabka, waxaana la xaqiijiyey in laba askari laga dilay ciidamada dowladda, sidoo kalena qof shacab ah uu ku geeriyooday goobta.
Ciidamada hub ka dhigista ayaa dhowanaahan iska caabin kala kulmayey ciidamo kale oo u arka hub ka dhigista mid sharci darro ah oo si gaar ah loogu beegsanayo dadka degan magaalada Muqdisho.
Qorshaha hub ka dhigista ayaa wxaaa horey u dhalillay qaar ka mid ah ah beelaha dega Muqdisho, oo ku qeexay mid si gaar ah loogu beegsanayo, waxaana jira xaafado ka mid ah magaalada oo ay xirteen kuwaasi oo dowladda aysan geli karin.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]