Afmadow (Caasimadda Online) – Banaanbax dhiig ku daatay oo looga soo horjeedo Axmed Madoobe iyo Maamulkiisa ayaa ka socdo Magaalada Afmadow ee Gobolka Jubba.
Banaanbaxaan ayaa waxaa sameenayo dad shacab oo isugu soo baxay guud ahaan Magaalada, waxaana halkaas ka dhashay dagaal gacmaha la isugu tagay, waxaana dagaalkaas ku geeriyooday ilaa 2 qof sidoo kalana waxaa ku dhawaacmay 6 kale.
Xabad xoog leh ayaa Magaalada ka socoto, waxaana laga yaabaa inuu khasaaraha intaas kasii bato, welina waxay Magaalada ku jirtaa xaalad banaanbax ah.
Dadka banaanbaxa sameenayo ayaa ka cabanayo sida ay sheegeen Maamul xumo uu wado Axmed Madoobe, Eex, nin jecleysi iyo musuq maasuq.
Sidoo kale waxay sheegeen Axmed Madoobe inuusan shan Sano Afmadow tagin, mar walbana uu been u sheego odoyaasba.
Afmadow waa magaalo ku taala koonfurta wadanka Soomaaliya, taasi oo dhacda badhtamaha gobolka Juba isla markaana xad la leh wadanka Kenya, magaalada Badhaadhe, Kismaayo, Jamaame, Jilib, Xagar, Baardheere iyo Ceelwaaq. Magaalada Afmadoow waxay ku jirtaa caasimada Muqdisho baaxad dhan 401 km.
Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla soo socodsiin doonaa Inshaa Allah.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]