25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Muxuu R/W Kheyre ka yiri colaada ka dhex aloosan Salva Kiir iyo Reik Machar?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia ayaa ka hadlay xiisada ka dhex aloosan Madaxweynaha South Sudan Salva Kiir iyo Hoggaamiyihii Mucaaradka Reik Machar.

Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay inay muhiim tahay in Umadda South Sudan iyo Madaxdooda ay ku waanaqaata burburka ay soo martay Somalia.

Kheyre waxa uu tilmaamay in dhibta ka jirta South Sudan ay tahay mid aan sidaa usii buurneyn marka loo eego tan ay soo martay Somalia, waxa uuna sidaa darteeda ku baaqay in si dhaqsi ah lagu xaliyo xaalada ka dhex jirta dalkaasi.

”Adduunka wuu ka daalay colaad, waxaan ku baaqeynaa in xal laga gaaro colaadaha ragaadiyay dowlada South Sudan oo aan aad uga xun nahay”

”Dowlada Somalia waxa ay diyaar u tahay inay kaalin mug leh ka qaadato xal u helida colaada ka jirta dhulka ay maamusho dowlada South Sudan”

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sidoo kale sheegay inay ka shaqeyn doonaan u kala dabqaadka Madaxweyne Salva Kiir iyo Hoggaamiyihii Mucaaradka Reik Machar.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa sii darsanaaya xiisada ay dowlada Salva Kiir kala kulmeyso dhinacyada mucaaradka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News