Hargeysa (Caasimada Online) – Dr. Cali Khaliif Galeyr oo ah Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay heshiiskii ay shalay si wadajir ah u gaareen Maamulada Somaliland iyo Maamulkiisa, taasoo uu u arko inay tahay tallabo horey loo qaaday.
Labada Maamul ee Somaliland iyo Khaatumo State ayaa kala saxiixday heshiis ka koobnaa shan qodob, waxaana kulanka lagu heshiiyey ku sugnaa Dr. Cali Khaliif Galeyr, wuxuuna tilmaamay in heshiiskaan uu socday muddo badan sidaas darteedna ay lagama maarmaan noqotay in xal siyaasi deg deg ah la gaaro.
“ Wadahadlada waxay socdeen muddo dheer, heshiiskaana waa bilow fiican, waxa la isku hayo waa arrimo siyaasi waxaana looga gudbi karaa xal siyaasi, , arrintan arrin culus weeye, umad dhan aayaheeda, mustaqbalkeeda iyo taariikhdeeda waa tahay in laga doodo, anaga diyaar baa u nahay”ayuu yiri Dr. Cali Khaliif Galeyr.
Cali Khaliif ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey hal arrin oo Somaliland ka caawin karto inay hesho ictiraafka ama aqoonsiga ay muddo raadineysay, wuxuu sheegay hadii la heshiiyo, kalsooni bilaabato ictiraafka la raadinayo ay meeshooda ugu imaanayo sida uu hadalka u dhigay.
“Somaliland waxay u baahan tahay waa inoo muuqdaa, aniga waxaa qabaa hadii aan heshiino oo wax wada yeelano, kalsooni bilaabato, ictiraafka loo gar-guurto waa ka koreynaa, wallee meesheena nalooga imaanayaa, hadii la isu wada yimaado wixii ku dhulkan ku noolaa ay midobaa, waxaa qabaa ictiraaf, horumar iyo qadaran ayaynu ku hiran karnaa”ayuu yiri Dr. Cali Khaliif Galeyr.
Akhriso Qodobadda ay ku heshiiyeen
1-Somaliland iyo Khaatumo inay ku dedaalaan sidii afgarad buuxa looga wada gaadhi lahaa
2-In la wada qorsheeyo lagana wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa Somaliland loo wada siman yahay oo ku dhisan cadaalad, maamul wanaag iyo xaq dhawrista xuquuqal iinsaanka, ku dhisan diinta islaamka oo muwaadiniinteedu midna ku ahayn marti balse ay u wada siman yihiin.
3-In dastuurka somaliland la furo si loo xaqiijiyo awood qaybsi sugan oo cadaalada ku dhisan oo laga sameeyo madaxda golayaasha fulinta, sharci dejinta, garsoorka iyo hay’adaha dawliga ah.
4-In la sameeyo maamul daadejin heer gobol, degmo iyo magaalo lana qeexo mid walba awoodeeda.
5-In shir dambe layskugu yimaado 10-ka July laguna qabto magaalada Burco si lo odhameeyo wixii qabyada ah lagana tashado qaabkii iyo hanaankii loo qaban lahaa shir loo wada dhan yahay
Labada dhinac waxaa heshiiska u kala saxiixay Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland Sacad Cali Shire oo Somaliland u qaabilsan wadahadalka Khaatumo iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Khaatumo Maxamuud Shiikh Cumar oo isna Khaatumo u qaabilsan wadahadalka Somaliland.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]