27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xildhibaano ka tirsan BF oo ka horyimid qorshaha diiwaan galinta hubka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia ay ka hor imaadeen amar dhawaan kasoo baxay Wasaarada Amniga oo ah inay diiwaan galiyaan Hubka ay ku dhex wataan magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada qaar ayaa sheegay inay khalad tahay in mashruuc looga dhigo bixinta lacago la sheegay in lagu diiwaan galinaayo Hubka iyo ilaalada ay wataan kadib markii la hordhigay lacago xad dhaaf ah.

Xildhibaanada qaar ayaa sheegay inay suuragal tahay inay diiwaan galiyaan Hubkooda, iyadoo aan shuruud looga dhigeynin lacagaha diiwaan galinta.

Xildhibaanada diiday inay lacago ku bixiyaan diiwaan galinta Hubkooda ayaa ku andacooday inaan lasiin xuquuq joogta ah, sidaa darteed ay dowlada Somalia ka doonayaan in jeebkeeda ay ka bixiso lacagaha lagu diiwaan galinaayo Hubka.

Mid kamid ah Xildhibaanada diiday bixinta lacagaha diiwaan galinta oo ka gaabsaday isticmaalka magaciisa, ayaa sheegay inaysan aheyn Ganacsato ama shacab, sidaa darteed loo baahan yahay in dowlada Federaalka ay bixiso lacagaha diiwaan galinta ama ay la imaado barnaamij ka duwan diiwaan galinta Hubka.

Waxa uu intaa raaciyay inay adag tahay in Xildhibaanada ay bixiyaan lacaga laga doonaayo Xarunta CID ee laga diiwaan galinaayo Hubkooda.

Sidoo kale, Xildhibaanada qaar ayaa qaba in diiwaan galinta Hubka laga soo bilaabo Madaxda ugu sareysa dalka oo ay sheegen inay isticmaalaan Hubka ugu badan.

Dhawaan ayay aheyn goortii Wasaarada Amniga ay muddo 14 maalmood u qabatay Xildhibaanada inay ku diiwaan galiyaan Hubka iyo ilaalada ay wataan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News