Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa kulan degdeg ah isugu yeeray dhammaan Madaxda Hay’adaha amaanka iyo Saraakiishooda.
Kheyre ayaa Madaxda amaanka kala hadlay Qaraxyada asbuucii ugu danbeeyay kusoo kordhaaya magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.
Waxa uu Kheyre madaxda Hay’adaha ka hor cadeeyay inay yihiin kuwo gabay howlihii qaran ee loo igmaday, kadib markii maleeshiyaadka ay heleen dal daloolo ku dhiirinaaya inay fuliyaan weeraro taariikhi ah.
Waxa uu weydiiyay asbaabaha keenay in maalmo gudahooda ay magaalada ka dhacaan Qaraxyo culus oo lagu dhex habeeyay isla magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiinta uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga iyo taliyeyaasha Ciidamada oo sheegay in ilaa iyo xad laga hortagay weeraradii ay geysan jireen maleeshiyaadka.
Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in si deg deg ah wax looga qabto Ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho.
Kheyre ayaa u mudeeyay Madaxda Hay’adaha amaanka inay wax ka bedelaan xaaladaha isbiirsaday ee kusoo kordhaaya magaalada Muqdisho, xili lagu guda jiro maalmaha farxada.
Tani waxa ay kusoo beegmeysaa xili maalmo gudahooda uu magaalada Muqdisho ka dhacay laba Qarax oo khasaaro xoogan geystay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

