Magaalada Muqdisho ayaa ku jirta maalmo murugeysan oo qoysas badan ayaa wali ay tacsi u taalaa.
• 9 maalmood gudahood Muqdisho waxaa ka dhacay Sadax weerar oo waaweyn
• Taas oo ka dhigan in Sadaxdii maalin kadib uu dhaco weerar iyo qaraxyo isdaba socda
• 14ka bishaan weerar shacabka Somaliyed ay kanaxeen ayaa lagu qaaday maqaayada Pizza House, waxaana ku geeriyooday 29 qofood oo rayid ah
– Dadkii lagu laayay weerarkii Pizza House waxaa ku jiray labo gabdhood oo walaalo ah iyo caruur da’dooda u dhaxeeysa 8 ilaa 12 jir
• 20ka bishaan weerar ismiidaamin ayaa lagu qaaday xarunta Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho, waxaana weerarkaas ku naf waaayay 14 ruux
• Labo maalin kadib maanta oo bisha ay tahay 22ka bisha ayaa waxaa weerarkii sadaxaad oo ismiidaamin ah lagu qaaday saldhiga degmada Waabari, inka badan 8 qofood ayaana ku geeriyootay
• Tirada guud ee wazaarada arimaha gudaha ay soo bandhigeen waa 51 qofood oo qaraxyo ugu geeriyooday kaliya mudo 9 maalmood gudahood
• Shacab ku dhaqan Muqdisho ayaa inta badan ka murugeeysan xaalada adag ee magaaalada lasoo daristay, halka qaar kale ay qabaan in dulqaad la muujiyo
• Qof Muqdisho dagan ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray “Subax kasto oo aan guriga kasoo baxo waan lasoo dardaarmaa faamilkeeyga”.
• Bishii hore dowladda waxey ku dhawaaqday in hubka magaalada dhexyaacaya la aruurinayo, waxaana la sameeyay ciidamo isku jira oo la magac baxay “Xasilinta amniga”.
• Jidadka yaryar ee soo gala wadooyinka waaweyn ee Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyay xirnaa, taas oo looga danleeyahay in la hubiyo amaanka caasimada
• Lakin sida dad badan ay qabaan waa lagu guuldareystay amaanka oo la adkeeyo waayo meelaha qaraxyada ay ka dhacayaan waa goobihii askarta xasilinta amaanka ay u badnaayeen
• Aqoonyahan Ismacil Axmed Samatar oo Muqdisho jooga ayaa CCTV u sheegay in amaanka uu faraha ka baxay.
• Weerarada dhacaya wali ma jiro hal weerar oo la fashiliyay, waliba weerarkii 2 maalin ka hor lagu qaaday xarunta Wadajir waxaa fududeeyay askari boolis ah oo ka tirsan dowlada
• Wasiirka kowaad ee xukuumada Somaliya mudane Kheyre oo ka careysan kharaxii Waabari ka dhacay ayaa si dag dag ah shir aan caadi ahayn isugu yeeray Golaha amniga qaranka
• Ma ahan markii ugu horeeysay oo qaraxyo ay ka dhacaan Muqdisho lakin maalin kasto naf qaali ah ayaa go’eeysa, Faamilo kala duwan ayaa tacsi u taalaa, qof aad taqaanay ayaa dunida macsalaameynaya, gabdho mustaqbal leh ayaa la dilayaa
• Aragtida Shacabka Somaliyed meel walbo ay joogaan ayaa kala duwan lakin badankood xaalada Muqdisho wey ka walwalsan yihiin.
• is-xasuusin “Alle swt wuxuu yiri hal qof oo si qalad ah lagu dilo ayaa iiga qiimo badan adduunka oo dhan”.
Waxaa qoray: Idiris Abdulkadir Alteeso

