26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xog: Fadeexad ku soo baxday taliyaha booliska, lagana yaabo inuu xilka waayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha booliiska Soomaaliya Cabdixakiin Daahir Saacid, ayaa lagu warramay inay kusoo baxday fadeexad culus oo uu xilkiisa ku wayn karo, sida laga soo xigtay xafiiska ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Saacid ayaa la sheegay inuu khiyaameeyey mushahar loogu talo-galay ciidamada booliiska, waxaana arrintan ay soo shaac baxday kadib markii qaar ka mid ah ciidamada ay mushahar la’aan kasoo cawdeen.

Xubno ka dhow Kheyre ayaa la sheegay in markii Saacid arrintan waxa laga weydiiyey uu sheegay inuu mushaharka dib u dhac ku yimid kaliya, balse uusan wax lacag ah xadin.

Si kastaba, waxaa hadda lagu haystaa sababta mushaharka keentay in dib loo dhigo oo aan la bixin, ayada oo dowladda cusub ay ka go’an tahay in marnaba ciidamada aysan waayin mushaarkooda.

Arrintan ayaa waxaa hadda baaritaan ku haya ra’iisul wasaare Kheyre iyo wasiirka amniga Ducaale, oo la hadlaya qaar ka mid ah taliyayaasha ciidamada dowladda.

Saacid, ayaa hadda ka hor markii uu ahaa taliyaha booliska ee dowladdii Xasan Sheekh, sidoo kale mushaar loogu talo-galay ciidamada iyo qalab u weeciyey Puntland, waxaana magacaabistiisa xilkan cusub ay layaab ku noqotay dad badan.

Dhinaca kale, Caasimada Online ayaa ogaatay inaysan jirin warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in Saacid xabsi guri la geliyey, balse xaqiiqda ayaa ah inuu halis ugu jiro inuu xilkiisa waayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News