29.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Tirada qaraxyada bishii June ka dhacay Muqdisho oo dhameystiran

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Waxaa Bisha June ee 2017, Magaalada Muqdisho ka dhacay tirro Qaraxyo ah kuwaa oo qaarkood lala beegsaday Goobo ay ku dhaqnaayen dad shacab ah.

Qaraxyada dhacay Bisha June ayaa aad uga yar Qaraxyadii kala duwanaa ee magaalada Muqdisho ka dhacay Bilihii lasoo dhaafay.

Guud ahaan Qaraxyada aan diiwaan galinay Bisha June ayaa ah 10 Qarax oo badankooda loo adeegsaday Miino.

HOOS KA AKHRISO MAALMAHA IYO TAARIIKHYADA AY KALA DHACEEN QARAXYADA:

1-June 3, 2017, Qarax laga soo buuxiyay Boorso ayaa ka dhacay wadada 21-October ee Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

2-June 3, 2017, Qarax miino ayaa lagu weeraray Sargaal ka tirsan ciidamada dowlada xili uu ku sugnaa Degmada dharkeenley, waxaana ku dhaawacmay askari la socday Sargaalka la qarxiyay.

3-June 4, 2017, Waxaa weerar Bambaano lagu qaaday Hooyga Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan Axmed Salaad Ibraahim.

4-June 7, 2017, Qarax khasaare geystay ayaa ka dhacay Agagaarka Madaxtooyadii C/qaasim ee magaalada Muqdisho, kaa oo lala eegtay Gaari Hiluxe oo ay la soctay Xildhibaanad ka tirsan BFS.

5-June 11, 2017, Qarax Miino ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, kaa oo gaari loogu xiray Sargaal ka tirsan Militeriga oo ka badbaaday.

6-June 14, 2017, Qarax loo adeegsaday gaari ayaa waxa uu ka dhacay Hoteel kasoo horjeeda Posh oo ku yaalla agagaarka Isgooyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

7-June 20 2017, Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Gaari Caasi ah ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

8-Jun 20, 2017, Mas’uul ka tirsan Maamulka degmada Dayniile ee Gobolkaan Banaadir oo lagu magacaabo Cali Cusmaan Wehliye, ayaa Qarax lagula eegtay Wadada Warshadaha ee Magaaalda muqdisho.

9-June 22 2017, Weerar Ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday Saldhiga Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir, xili halkaa ay ku sugnaayen Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Booliska.

10-June 30, 2017, Qarax Gaari ayaa ka dhacay Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho, Qaraxan ayaa waxaa Gaarigiisa loogu xiray Sarkaal ka tirsan Ciidanka xoogga dalka, kaasi oo lagu magacaabo Ismaaciil Danab, isaga oo keliya ayaana ku geeriyooday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News