27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Britain oo cadeysay mowqifkeeda ku aadan gooni isku taaga Somaliland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Britain ayaa shaaca ka qaaday inaysan dowlad madaxbanaan u aqoonsaneyn Somaliland oo goor sii horeysay sheegtay inay ka go’day Somalia inteeda kale.

Safiirka Britain ee Somalia David Concar, ayaa hadalkaasi sheegay xili uu ka hadlaayay arrimaha Somalia, waxa uuna sheegay in Somaliland ay kamid tahay maamul Goboleedyada.

David Concar, waxa uu tilmaamay in Britain iyo dhammaan dowladaha kale ay yihiin kuwo ka siman aragtidooda Somaliland.

Waxa uu cadeeyay in Somaliland ay u aqoonsan yihiin maamul Goboleed qeyb ka ah Somalia, balse ay qadarin kusiinayaan amniga iyo xasiloonida ay heystaan.

David Concar, waxa uu cod dheer ku sheegay in Soomaaliland marnaba aysan u aqoosaneyn dal madaxbanaan oo xor laakiin ay ixtiraamayaan nabad-galyada ka jirta halkaa.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa ”Sida aad og tihiin ma aqoonsanin dalal badan oo kalana uma aqoonsana Somaliland dal xor ah oo madaxbanaan”

”Somaliland waan la dhacsannahay, waanan taageersannahay, Annaga oo sameyn doonna wax kasta oo horay u marinaya wadahadallada dowladda iyo maamulka Somaliland”

Sidoo kale, Mr David Concar waxa uu sheegay in dowladda dhexe looga baahan yahay in Somaliland la yeelato xiriir wax dhisaya gaar ahaan arimaha quseeya waxbarashada, caafimaadka, sirdoonka iyo wixii la mid ah.

Geesta kale, waxa uu David Concar tilmaamay in Britain ay kusii taagnaan doonto isgarabtaaga maamulka Somaliland, si loo hormariyo amniga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News