Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibada Qadar Sheekh Mohameed bin Abdulrahman Al Thani, ayaa lagu wadaa in gudaha asbuucaani uu gaaro dalka Kuwait.
Wasiirka ayaa dowlada Kuwait ku wareejin doona Dukumiintiyo ku aadan xiisada kala dhexeysa dowlada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.
Dukumiintiyada uu Wasiir Al Thani ku wareejin doono Kuwait ayaa waxaa la xaqiijiyay inay kamid yihiin Shuruudaha 13ka ah ee lagu xujeeyay.
Waxaa sidoo kale, Dukumiintiyada kamid ah Warqado Sir ah, kuwaa oo laga hayo dowlada Sacuudiga oo iyadu garab u noqotay dowladaha reer Galbeedka.
Al Thani, waxa uu sidoo kale, Kuwait ku wareejin doonaa jawaabaheeda 13ka ee rasmiga ah kuwaa oo ku qoran waraaq gaar ah.
Qadar ayay todobaadyo saran yihiin cunaqabatayno diblumaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo aan la sii saadaalinin, kuwaas oo uga yimid Sacuudi Carabiya iyo xulafadiisa Masar, Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn.
Sidoo kale, Dowlada Kuwait ayaa noqoneysa dowlada qura ee xiligaani dhex dhexaadin ka dhexwada Sacuudiga, Imaraadka iyo Qadar oo dhinac ah.
Lama saadaalinkaro waxa ay noqon doonto 13ka Jawaab ee uu Wasiir Al Thani ku wareejin doono dowlada Kuwait.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

