24.9 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Ujeedada Farmaajo ugu baaqday shirarkii Addis Ababa ee Kheyre ka qeybgalay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka baaqday shirkii labaad ee Addis Ababa ka dhacaya oo lagu casuumay, halkii uu ka tegi lahaana badalkeeda wuxuu u wakiishay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo shirkii labaad kaga qeybgalayo Addis Ababa.

Farmaajo ayaa casuumaadii labaad ee ka timaada Addis Ababa ka cudurdaartay isagoona ka qeybgalka shirka madaxda ururka Midowga Afrika u wakiishay Xasan Cali Kheyre oo markii labaad Addis Ababa kaga qeybgala shir caalami ah.

Xasan Cali Kheyre ayaa ayaa 12/06/2017 magaalada Addis Ababa kaga qeybgalay shirk ay lahaayeen madaxda dalalka ku midoobay IGAD oo looga hadlayay colaada Koonfurta Suudaan, waxaana shirkaasi lagu casuumay Madaxweyne Farmaajo.

Sababta uu madaxweyne Farmaajo labadii casuumadeed ee ka timid Addis Ababa ugu cudurdaartay ayaa la ogaaday inay tahay arrimo uu kusoo jiidanaayo shacabka isagoona u arka safarada Addis Ababa inay halis ku noqon karto taageerada iyo shacbiyada uu haysto.

Hadal uu madaxweynaha jeediyay maalintii la doortay iyo caleema saarkiisa ayaa aheyd in dalalka deriska sida Itoobiya iyo Kenya inay ula dhaqmaan Soomaaliya sida dowlad xor ah oo ka dhaxeyso xiriir derisnimo iyo wax wada qabsi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News