31.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Sawirro: Xukun guri oo Muqdisho ka dhacay oo laga hor-yimid

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Iyadoo maalintii shalay maxkamadda gobolka Banaadir ay xukmisay guri ku yaala degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, waxaa xukunkaasi ka hor yimid Baarliin Maxamed Cali oo aabaheed uu lahaa guriga la xukmiyay.

Baarliin, waxay sheegtay in guriga uu lahaa aabaheed uuna yahay guri dhaxal ah balse maxkamadda gobolka Banaadir ay u xukmisay guriga haweeney uu qabay aabaheed oo eedo u aheyd.

Waxay sheegtay in guriga aysan xoog ku heynsan iyaga balse ay ilaalinayeen maadaama aabaheed uu dhintay marhore, laakiin haweeneyda eedada u ah ay ku dacweysay maxkamada gobolka Banaadir.

Baarliin oo saxaafadda kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigtay cadeymo muujinaya lahaanshiyaha guriga oo ku yaala degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

 

 

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News