27.6 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

Dhageyso: Madaxweyne Farmaajo oo Garoowe iyo Boosaaso booqonaya

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha DF Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu booqashadii ugu horeysay ku tago deegaanada maamul goboleedka Puntland isagoo madaxweyne ah.

Farmaajo ayaa booqashada koowaad ku tegaya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, kadibna waxaa uu usii gudbi doonaa magaalada Boosaaso oo ah xarunta ganacsiga Puntland.

Wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxaa oo kasoo jeeda deegaanada Puntland ayaa magaalada Boosaaso oo uu kula kulmay waxgarad iyo maamulka gobolka ka sheegay inuu hordhac u yahay booqasho madaxweyne Farmaajo ku imaanaya Boosaaso iyo Garoowe.

Wuxuu sheegay in sababta uu u yimid Boosaaso ay tahay gogol xaarka wafdiga madaxweynaha, isagoo ka codsaday waxgaradka iyo maamulka gobolka Bari in ay ka shaqeeyaan xasilinta amniga.

Booqashada Farmaajo ee Puntland ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee uu ku ago Puntland isagoo xilka madaxweynenimo haayo, waxayna qeyb ka tahay xoojinta xiriirka uu Farmaajo la leeyahay Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News