28.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Dhageyso: Wasiirka arrimaha gudaha oo shaaciyey qorshaha dib u heshiisiinta DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Farax Juxa, ayaa sheegay in dowladda feeraalka ah ay ka go’an tahay dardargalinta dadaalada dib u heshiisiinta ee dalka ka socdo.

Wasiirka oo u waramayey barnamaijka Tubta Nabadda, waxa uu sheegay in haatan la isla gartay qaabka loo wajahayo dib u heshiisiinta iyo ogaanshaha waxyaabaha aasaaska u ah noocyada khilaaf ee ka taagan dalka.

Cabdi faarax Juxa, waxa uu xusay in ay mudnaan gaar ah siineyso goobaha colaadaha ka jiraan ee sida degdegga ah ugu baahan in wax looga qabto, wxuuna intaa raaciyey in culumada iyo waxgaradka kale ee ummadda Soomaaliyeed ay qayb libaax ka ciyaari doonaan udub u dhigga dib u heshiisiin ka hirgasha dalka oo idil.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah, waxa uu sheegay in noocyada khilaafaadka u baahan xallinta ay ku saleysan yihiin kuwo siyaasadeysan sida khilaafka Somaliland, kan u dhaxeeya Galmudug iyo maamula Dhuusamareeb, khilaafaad dhaqaale, deegaan iyo qaybo kale

Wasiirka waxa uu ku nuuxnuuxsaday baahida ah in dadka ay si wadajir ah ugu istaagaan in dowladda lagu garabsiiyo sidii loogu guuleysan lahaa howlaha dib u heshiisiinta.

Cabdi Faarax Juxa waxa uu ugu baaqay in qurba joogta dalka ku soo laabanaya ay xoojiyaan kaalimahooda ku aadan ka qayb qaadashada dib u heshiisiinta, si ay isugu xiraan bulshada gudaha ku nool iyo dadka dibadaha jira.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News