26.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 10, 2025

Ciidamadii ugu badnaa Koonfur Galbeed oo shaqada isaga tagay + Sababta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in shaqada ciidan ee maamulka Koonfur Galbeed ay isaga tageen ciidamo kabadan 100.

Ciidamadani ayaa la sheegay inay eersanayaan musuq iyo mushaar la’aan kasoo foodsaartay dhanka maamulka Koonfur galbeed.

Ciidamadani qaarkood ayaa la sheegay inay ka baxeen ilaa Seddex fariisimo oo ay ka howlgali jireen, waxa ayna iminka u jiheesten in nolol maalmeedkooda ay u raadsadan magaalada.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay jiraan ciidamo ka gadooday maamulka, kuwaasi oo dhowaan tababar ku qaatay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

C/laahi Maxamed Aadan oo ah Wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga maamulka ayaa dhankiisa ka sheegay in ciidamadan ay tiro ahaan gaarayaan 105.

Waxa uu intaa raaciyay in ciidamadaasi markii ay waayeen mushaarkooda dib ugu laabteen deegaannadii laga keenay si ay u helaan shaqooyin ay ku maareeyan noloshooda.

Geesta kale, waxa uu sheegay wasiirka in ciidankaan laabtay laga soo xulay deegaanno kamid ah gobolka Shabellaha Hoose, balse ay iska baxeen xilli tababarkooda ay dhameysteen.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News