Muqdisho (Caasimada Online) – Caqabad cusub ayaa ka soo if baxday shirka Golaha Amniga Qaranka oo maalintii 3-aad ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo shirkan oo lagu waday in maanta la soo gaba gabeeyay uu dib ugu dhacay kala aragti duwanaan ka dhashay qodobada qaar ee laga doodayay.
Wararka aynu heleyno ayaa sheegaya in Madaxda ay durbaba isku qabteen qaabka dhismaha ciidamada iyo habka lagu sameynayo, iyadoo shirkii hore la isku afgartay in la dhiso 18 kun oo askari, kuwaas oo min 3 kun askari uga imaanaya maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe.
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shirka ka soo jeediyey in hanaan awoodeed lagu qaybsado ciidanka qaran ee ladhisayo, islamarkaana dowladda dhexe ay ka caddaalad samayso arrimahaasi.
Madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Galmudug Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa soo jeediyay in arrinta amniga aan la siyaasadeyn, isla markaana qabiil la hoos-geyn.
Sidoo kale Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isna sheegay in loo baahan yahay in wixii amni ku saabsan aan dood laga keenin, hadii kalena ay dib u dhac ku keeni karto dhismaha ciidamo qaran oo awood leh.
Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa dadaal ugu jira in arrinta dhismaha ciidamada ay noqoto mid dowladda Federaalka maamulkeeda lahaato, isla markaana maamul goboleedyada ay talo kaliya ku yeeshaan.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

