25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

CEEB: Mas’uuliyiin ka tirsan DF oo is feeray iyo Amisom oo xabsi dhigtay.

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ciidamada Amisom ee jooga Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay xabsiga dhigeen masuul sare oo dowlada ka tirsan markii uu feeray mid kale.

Masuulkaan la xiray ayaa waxaa uu ahaa gudoomiye ku xigeenka dhinac amaanka maamulka Hiiraan ee Dowlada Soomaaliya Axmad Cabdala Inji kadib markii uu meel mushtamac uu joogay uu kula dagaalay Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada iyo Siyaasada maamulka gobolkaas Cadaawe.

Intaa kadib Ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah Amisom ayaa xabsi gaar ah dhigay Axmad Inji waxaana maanta soconaya waan waan lagu sii daynayo.

Axmad Inji iyo Cadaawe oo ah labo Masuul ayaa lala yaabay markii ay isku gacmo qaadeen kulan balaaran oo looga wacay odayaasha Beledweyne loogana hadlayay fadhiga arimaha amaanka waxaana gardarada la saaray Inji.

Xariga Gudoomiye ku xigeennka ayaa waxaa ay sii kicinaysaa Xiisad ka taagan halkaas oo sarkaal dowlada lagu dilay loogana shakinayo dilkiisa askari dowlada ah.

- Advertisement -

Read more

Local News