32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

C/Weli Gaas oo awood dheeri ah lasoo baxay isla markaasna ka yaabsaday Jawaari

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa lasoo baxay awood dheeri ah kadib markii uu dalbaday inuu khudbad ka jeediyo shirka Golaha Baarlamaanka ee maanta ka furmi doono Magaalada Muqdisho.

Cabdiweli Gaas ayaa codsi u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna ka dalbaday inuu Khudbad u jeediyo Baarlamaanka Soomaaliya, taasoo noqoneyso tallaabadii ugu horeysay oo uu qaado madaxweyne ka tirsan Maamul Goboleedyada.

Ilaa hadda lama xaqiijin haddii uu Guddoomiye Jawaari codsigaas aqbalay, balse waxaa xaqiiq ah inuu codsigaas u gudbiyey Guddoomiyaha, sidoo kalana ilaa hadda lama ogo waxa uu Gaas uga hadli doono khudbadaas.

Madaxda Maamul Goboleedyada oo ku sugan Muqdisho ayaa maqlay codsiga uu Gaas u diray Jawaari , waxayna iyagana dhankooda bilaabeyn inay codsiyo u diraan Jawaari si ay khudbad uga jeediyaan kala fadhiga labaad ee baarlamaanka oo fasax kasoo laabtay.

Go’aanka ku aadan arrintaan ayaa noqon doono mid adag, maadaama aysan horey u dhicin codsiyo noocaan oo kale ah, waxaana la wada sugayaa haddii laga aqbalo iyo Khudbadda uu Gaas halkaas ka jeedin doono.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News