Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ciidamo u diray Beerta nabadda kadib markii uu halkaas ka fuli waayey amarkii uu soo saaray.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa amray in la joojiyo lacagta laga qaadayo dadka soo galo beerta Nabadda, maadaama ay halkaas tahay meel danta guud ah, waxayna midaas keentay in ganacsatadii Soomaaliyeed ee hantida geliyey ay ka biyo diidaan arrintaas kadib markii ay sheegeyn inay Maxkamad la fuuli doonaan Guddoomiyaha.
Afhayeenka Gobolka Banaadir Xalane oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in beerta Nabadda loo diray Ciidamo isugu jiro Booliska iyo nabadsugid si halkaas looga hirgeliyo amarkii kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir.
Ganacstada halkaas maalgashatay ayaa saxiix ka heystay maamulkii hore ee Gobolka Banaadir xilligii Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana halkaas la gashay hanti aad u badan waxayna aheyd inuu maamulka Gobolka Banaadir la xisaabtamo inta lacag ee halkaas uga dhiman isla markaasna la siiyo inta uga harsan hantida halkaas ka gashay markaas kadib uu meesha la wareego maamulka, balse uu yahay go’aankaan mid aad loogu fududaay taasna ay muujineyso in Thaabit Cabdi Maxamed uu yahay nin uu ka weyn yahay maamulka Gobolka Banaadir.
Ganacstada halkaas maalgashatay ayaa ku dhawaaqay inaysan marnaba fullin doonin amarkaas, lamana ogo sida ay xaaladda noqon doonto maadaama halkaas la geeyey ciidamo.
Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla soo socodsiin doonaa Inshaa Allah.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

