Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha xog-hayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, ayaa Madaxda Qaranka iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu baaqay in gudaha Sanadkani ay kusoo afmeeran waxyaabaha Khilaafka ka dhex abuurada DFS iyo maamulada.
Michael Keating, waxa uu sheegay in waxyaabaha loo baahan yahay xal u helidooda ay kamid yihiin qodobada soo laalaabtay ee Khilaafka ka dhex abuura Madaxda.
Waxa uu tusaale usoo qaatay 3 Qodob oo inta badan aysan isku fahmin madaxda Qaranka iyo kuwa maamul Goboleedyada waxaana kamid ah:
1-Xalinta Khilaafka soo laalaabtay ee salka ku haya qeybsiga Kheyraadka iyo Xuduudaha.
2-Dagaalka argagixisada Somalia iyo badbaadinta nolosha dadka ku hayaamay abaaraha ka jira Gobolada dalka.
3-Isla fahanka iyo ka gudubka doodaha natiijo la’aanta ee ka taagan arrimaha Dastuurka KMG Sida:-
A)- Awood qeybsiga Kheyraadka.
b)-Awood qeybsiga Dagliga.
C)-Maamulka iyo cida looga danbeynaayo howlaha waaweyn ee soo baxa.
Michael Keating, ayaa sidoo kale ku baaqay in xili hore xal loo raadiyo qodobadaasi, si buu yiri looga gudbo Khilaafyada joogtada ah.
Geesta kale, Michael Keating, ayaa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ugu baaqay inuu jilciyo qodobada horyaal maamulada si aan loo muujin culeys.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

